Dowladda Soomaaliya oo Ciidan iyo hub ka dajisay Gobolka Gedo

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidan iyo hub waxaa ay ka dejisay degmada Dolow  ee Gobolka Gedo, waxaana galabta degmadaasi gaaray Ciidamo aad u hubeysan.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay yihiin Ciidamo Tababar ku qaatay magalada Muqdisho, kuwaasi oo in muddo ah la diyaarinayay, Ciidanka Galabta laga dejiyay degmada Dolow ee gobalka Gedo ayaa ah kuwo aad u hubeysan.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ku dhuftay Abaaro ba’an, waxaana degaanada Gobolkaasi ka taagan xaalad nololeed oo aad u daran, waxaana shacabka Gobolkaasi kasoo yeeraysa qayla dhaan, iyagoo dalbanaya in lala soo gaaro gar-gaar bani’adanimo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor