Dowladda Soomaaliya oo Ciidan fabadan geysay degaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud

Taliska Ciidanka xoogga dalka qaybta 21-aad ayaa ciidan dheeraad ah geeyey deegaanka Ceel-dheere ee gobolka Galgaduud, ka dib markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay dhowr jeer deegaankaas miinooyin ku aaseyn waddada.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in u jeedka howlgalada loo sameynayo ay tahay sidii loogu hor tagi lahaa Al-shabaab oo mararka qaar weeraro kusoo qaada degaanka.

Saaka ayay ahayd markii Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka General Maxamed Caddow Cali {Sanka} uu Kormeer shaqo ku tegay xeryaha ciidanka kaga sugan yihiin degmada Cadaado ee gobolka Galmudug.

Sidoo kale, General Maxamed Caddow Cali {Sanka}ayaa ku booriyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan xeryaha ciidanka Cadaado in ay u diyaargaroobaan howlgalo looga saarayo degaanada Galmudug dagaalamayaasha Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor