Dowladda Soomaaliya oo baaq kasoo saartay Colaadda Dalka Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay in wadahadal lagu dayo colaadda ka aloosan gudaha waddanka Itoobiya, si xaaaladda loo qaboojiyo oo ay wada hadal furan laabda dhinac e ku dagaalamaya dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo BBC da u warramay ayaa sheegay in markasta oo ay dhibaato ka dhacdo dal ka tirsan Geeska Afrika ay saamayn ku keeni karto, sidaas daraadeedna dhibaato ka dhacda gobolka aanay u wanaagsanayn. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa waxa uu u warramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Maxamuud Cabdisamad oo Muqdisho kula kulmay.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo lagu wado in uu u amba-baxo Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, si halkaasi uu uga qabygalo Shir diiradda lagu saari doonaa arrimaha wadamada Sudan iyo Itoobiya, iyadoo si gaar ah kulanka xoogga loogu saari doono dagaalka ka socda Itoobiya, iyadoo shirku uu furmi doono 15ka bishan.

Shirkan oo muhiim ah ayuu sheegay Wasiirku in lagu gorfeyn doono xaaladaha ka taagan dalal ka mid ah Bariga Afrika, ayna muhiim tahay in laga yeesho siyaasad isku mid ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor