Dowladda Soomaaliya oo amar Culus kusoo rogtay dadka ku safra Baasaboorka Kenyaanka

Dowladda Soomaaliya ayaa amar kusoo rogtay dadka  ku safra Baasaboorka Kenyaanka ah ee doonaya in ay soo galaan gudaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dadka sita baasaboorka Kenya laga doonayo inay Visa kasoo qaataan safaaradaha Soomaaliya, ka hor inta aysan dalka iman.

“Iyada oo la fulinayo Siyaasadda dowladda federaalka ah ee xaqiijinta amniga, hagaajinta habka socdaalka dalka iyo yareynta khataraha caabuqa Covid-19, laga bilaabo December 13, 2020-ka, dadka ku safraya baasaboorka Kenyaanka ah ee doonaya inay soo galaan dhulka Jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya waxaa looga baahan yahay dal ku-gal, waxayna kasoo qaadan karaan Safaaradaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay hay’adda.

Sidoo kale  muwaadiniinta Kenyaanka ee ku safraya Baasaboorka Diblomaasiga ayaa lagu wargeliyay ogolaanshiyaha Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Waxaana Dowladdu ay arrintaan u sababeysay arrimo amni iyo Caabuqa Covid19, iyadoo Wargelintaan aysan saameyn doonin  muwaadiniinta Kenyaanka ah ee heysta Degenaashiyaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media