Dowladda Soomaaliya iyo Thailand oo ka wada hadlay xiriirka labada Dal

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuurb Tarsan ayaa kulan gaar ah la yeeshay danjiraha Thailand ee dalka Kenya Danjire H.E. Sasirit Tangulrat.

Labada safiir ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Thailand oo ku saleysan horumarinta ganacsiga gaar ahaan kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Danjiraha Thailand ee dalka Kenya Danjire H.E. Sasirit Tangulrat ayaa Safiir Maxamud Axmed Nuur u sheegtay inay ka shaqeyneyso sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, si loo horumariyo Arrimaha kalluumaysiga, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa dhankiisa u mahadceliyay Danjire H.E. Sasirit Tangulrat, iyagoona iskula dardaarmay ka shaqeynta horumarka dalalka ay Safiirada u yihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor