Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo kala saxiixday heshiis Is-afgarad ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay Shir wadatashi ah oo ay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kula yeelatay Guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

Shirkan ayaa waxaa inta uu socday looga wada hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habeyn lagu sameeyay, sida lagu sheegay War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo wada saareen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

DFS iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ay isku raaceen mabaadi’dii hagi doonto ka-qayb qaadashada kala guurka dowladda iyo Midowga Afrika 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhammeeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay AMISOM iyo dalalka Ciidamadooda (TCC) ee ku ku sugan gudaha dalka, iyagoo oo garab ka helaya Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya si uu dalka u helo nabad iyo xasillooni waarto.

Dowladda Federaalka ayaa hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuubsiiban lahayd Hawlgalka ku-meel gaarka ah ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo qorshaha kala-Guurka (STP), kaas oo natiijadiisa ah in si buuxi lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023ka.

Shirka ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirada Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta, Arrimaha Dibadda iyo Amniga, halka ka dhan Guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM uga qeyb galeen Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor