Dowladda Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xiriirka labada Dal

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo booqasho ku jooga dalka Kuwait, ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.

Kulanka dhexmaray Wasiir Maxamed Cabdirisaaq iyo Ra’iisul Wasaare Sabaax Khaalid Al-Xamad ayaa ka wada hadlay xariirka labada dalka oo ku saleysan dhinacyo kala duwan  iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kulan kale la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Axmed Naasir Al-Moxammed Al-Sabaax, Labada dhinac ayaana ka wadda hadlay iskaashiga iyo xariirka walaalnimo ee labada dal.

Waxaa ay labada Mas’uul dib u eegis ku sameeyeen horumaraddii ugu muhiimsanaa ee fagaarayaasha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee quseeya dowladdaha Kuwait iyo Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor