Dowladda Soomaaliya iyo Faransiiska oo ka wada hadlay fursadaha iskaashi wadaagga

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa shalay oo Axad ahayd (21 November) ku qaabilay Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Faransiiska u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Aline Kuster-Menager, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah iyo arrimo kale oo ahmiyad leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga amniga, xiriirada ganacsiga iyo maalgashiga, iyo sidii loo horumarin lahaa fursadaha abuuritaanka iskaashi faa’iido u leh labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor