Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay Abaaraha ka jira dalka

Guddiga Wasiirrada ah ee u xilsaaran Abaaraha ka jira dalka, Danjireyaasha Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Gargaarka ee ka howl-gala dalka ayaa wada qaatay kulan deg-deg ah oo ku saabsanaa wax ka qabashada Abaaraha.

Shirka oo ahaa mid ku dhacay aaladda fogaan aragga ayaa lagu soo bandhigay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda Abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan.

Kulanka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dedaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed gudo iyo dibadba, iyagoo ku baaqay in la sii dardar geliyo, lana xoojiyo sidii loo badbaadin lahaa dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ku habsadeen abaaruhu.

Madaxda ayaa ka dhageystay guddigii Wasiirrada ahaa ee gurmadka geeyey iyo Wasiirka Gargaarka Jubbaland warbixin ku saabsan saameynta abaaruhu ay ku yeesheen Jubbaland oo ka mid ah degaannada ay sida ba’an u saameyeen  Abaaraha ka jira dalka.

Gabagabadii, Madaxda ayaa isla qaadatay in la dar-dargeliyo lana xoojiyo dedaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, iyagoo isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo Abaaraha ku soo noqnoqday qeybo ka mid ah dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor