Dowladda Somalia oo xirtay Terminalkii Garoonka Muqdisho ay adeegsan jireen QM iyo AMISOM

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay Terminalka Movcon ee Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho oo ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka ee fadhigoodu yahay Xerada Xalane.

Maareeye ku-xigeenka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa shaaciyay in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee Garoonka, kaddib warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta.

Sidoo kale waxaa hay’addaha lagu amray inay wixii hadda ka dambeeya dhammaan duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya inay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa la sheegay inay ka cabatay in si sharci darro ah loo adeegsaday Terminaalkii Movcon, waxaana wararka qaarkood ay intaas kusii darayaan in la geeyay halkaas Ciidamo Boolis ah oo aan hubeysneynin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor