Dowladda Somalia oo war kasoo saartay guushii Kenya ay ka gaartay Jabuuti

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawod ayaa ka hadlay guushii dowladda Kenya ay ka gaartay Jabuuti oo ay kuwada tartameen Kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee QM.

Doorashadii koowaad ayaa labada dowladood ay isku mari waayeen hase’ahaatee sida sharciga ah waa lagu celiyay maadaama midkoodna uu heli waayay codadkii ay u baahnaayeen,waxaana codeyntii ku celiska aheyd ku guuleystay Kenya.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Twitter-ka wasiirka arrimahadibadda Soomaaliya ayaa hambalyo loogu diray Kenya waxaana uu sheegay in Somaliya ay ku kalsoontahay in Kenya ay ka shaqeyn doonto danaha gobolka.

https://twitter.com/MinisterMOFA/status/1273706892464963586?s=20

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay muranka Badda waxaana haatan kiiska Badda gacanta ku haya maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media