Dowladda Somalia oo War kasoo saartay Go’aanka ay gaartay Maxkamadda ICJ

Kadib markii galabta Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ay dib u dhigtay dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa arrintaasi war ka soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in dowladdu oggoshahay go’aanka ka soo baxay Maxkamadda ICJ  oo noqon doona mid kama dambeys ah.

Sidoo kale Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u aheyd in 4-da Bisha November ee sanadkan la dhageysato dhageysiga dacwada badda ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo markii horey ICJ labad bilood ay ku dartay dhageysiga Kiiskaas.

Maxkamadda ICJ ayaa  galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12 ee Sanadka 2020-ka,Maxkamadda ICJ ayaa go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga Maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin.

Go’aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid kadib markii ay Kenya mar labaad codsatay dib u dhigista.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media