Dowladda Somalia oo War kasoo saartay Duqeymo cusub oo laga fuliyay Gedo

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeymo diyaaradeed oo shalay oo khamiis aheyd ka dhacay deegaano hoostega Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqaymahaasi ka dhacay deegaano hoostega Garbahaareey lala beegsaday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta lagu burburiyey afar saldhig oo Al-shabaab ay ku lahaayeen meel u dhow Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dagaalamayaasha Al-shabaab oo ay uga hadlayaan duqeymaha dowladda sheegtay in lala beegsaday xubno ka tirsan Shabaabka, kuwaasi oo ay fuliyeen diyaarado ay leeyihiin Ciidanka Mareykanka.

Inta badan duqaymaha lala beegsado Al-shabaab waxaa gaysta Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda ee AFRICOM oo aan weli rasmi ahaan uga hadlin duqaynta la sheegay inay shalay ka dhacday Gobolka Gedo.

Dhowr jeer oo horey ayey sidaan oo kale diyaarado ay leeyihiin Taliska Mareykanka ee qaaradda ee AFRICOM duqeymo uga fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, waxaana duqeymaha qaarkood lagu dilay Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor