Dowladda Somalia oo War kasoo saartay Deeqdii ay ka heshay Imaaraadka

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur, ayaa maanta oo Talaado ah kula wareegtay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho shixnad agab caafimaad oo 23.4 tan oo ay soo dhiibtay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, oo ay ku jireen maaskaro , dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo galoofyada ilaalinta leh si wax looga qabto faafidda cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus.

Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinaysaa Imaaraatka kaalmadooda caafimaad, waxa ayna u aragtaa haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamadani ayaa waxaa goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Hamza Said Hamza iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdulkadir Ahmed-khair Abdi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media