Dowladda Somalia oo wada qorshe lagu xoojinayo xiriirka Shiinaha

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta oo Isniin ah ka qeybgalay Munaasabadda Maalinta Qaranka Shiinaha oo ay qaban-qaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda Kowda Oktober, Maalinta dhidibadda loo taaggay, laguna dhawaaqay Jamhuuriyadda Shacbiga China oo lagu qabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta sare ee Soomaaliya oo uu ku jiro Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Agaasimaha Waaxda Asia iyo Austarlia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Cabdi (Koodaar).

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa hoosta-ka-xariiqay kaalinta weyn ee Shiinaha ee Afrika, isagoo xusay qotada dheerida xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqaynayso qorshe hanweyn oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale, ganacsi iyo maalgeshi oo lala yeesho dalal kala duwan, si gaar ah Shiinaha, si daaha looga rogo dhowr mashaariic oo horumarineed oo laga sameeyo dhinacyada beeraha, biyaha, tamarka, caafimaadka, warshadaha, waddooyinka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kuwa kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media