Dowladda Somalia oo Urur Iskaashi kala wareegtay Deeq lacageed

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa ku wareejiyay maanta oo Isniin ah Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, jeeg lacageed oo dhan $ 50,000 oo ah kaalmo maaliyadeed oo ka timid Sanduuqa is-garab-istaagga Islaamka ee Ururka Iskaashiga Islaamka si wax looga qabto saamaynta COVID19 uu ku yeeshay dhinacyada caafimaadka, bani’aadannimada, dhaqaalaha iyo bulshada.

Munaasabadda wareejinta lacagtaasi oo lagu qabtay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Cabdirisaaq Siyaad Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka.

16 April, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka jeeg lacag oo ay ku qornayd $ 100,000 oo ahayd deeq maaliyadeed oo ka timid urur goboleedka IGAD oo uu ku garabistaagayay Soomaaliya dagaalka ay ku xakamaynayso cudurka safmarka ah ee Koroona.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 3,119 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 1,457 ruux oo bogsatay iyo 93 ruux oo u geeriyootay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media