Dowladda Somalia oo taageertay tallaabo uu qaaday Boqorka Urdun

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero u muujisay Boqorka Urdun boqor Cabdalla Bin Xuseen, kadib tallaabada lagu xiray walaalkii Amiir Xamza bin Xuseen oo eedeyn loo jeediyay.

Boqorka Urdun boqor Cabdalla Bin Xuseen ayaa xiray walaalkiis oo lagu eedeeyay in uu qalalaase iyo qas ka abuuri rabay dalkaas,

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Wasaraadda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka ee xil-gaarsiinta ah ayaa waxaa lagu taageeray Go’aanka uu qaatay boqor Cabdalla Bin Xuseen.

“Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go’aanada uu qaaday boqor Cabdalla Bin Xuseen ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal oo uu u soo diray warbaahinta, kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galilyay, wuxuu ku eedeeyay madaxda Urdun musuq maasuq iyo maamul xumo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor