Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Cesar Arroyo.
Kulanka oo ahaa midkii u horreyay ee wasiirka uu ku qaabbilo madaxa hay’adda WFP oo ah hey’ad iskaashiga ballaaran la leh wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta ,waxaana isla markaana lagu dar dar galinaayey shaqooyinka ay hey’addu waddo.
Agaasimaha WFP ee Soomaaliya, Cesar Arroyo ayaa boggaadiyay shaqooyinka Wasaaradda iyo xariirka wada shaqeynta ah ee ka dhaxeysa, wuxuuna sidoo kale warbixin ka siiyay wasiirka , dadaallada lagu dhimayo faqriga iyo kobaca nolaleed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasiir Duraan, ayaa sheegay inuu dadaal galinayo sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u heyso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuuna caddeeyay in diiradda la saarayo sidii kor loogu qaadi lahaa nolasha bulshada nugul iyo qorshayaasha taageerraya shaqo abuurka, xirfadaha iyo bad-qabka goobaha shaqada iyo shaqaalaha.