Dowladda Somalia oo shatiyo siisay laba Banki Caalami ah, kana shaqo bilaabaya dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shatiyo siisay laba Banki oo caalami ah, lagana  leeyahay dalalka Turkiga iyo Masar, sida lagu shaaciyay Qoraal uu soo saaray Maamulka Bangiga Dhexe ee dowladda Soomaaliya.

Qoraalka Guddiga Bankiga Dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in Bakiyada kala ah Banque Misr iyo Ziraat Katilim ee laga kala leeyahay Turkiga iyo Masar ay mareen hanaan qoto dheer oo socday bilooyin, isla markaana lagu eegayey codsigooda oo ugu dambeyn la ansixiyey.

Maamulka Bankiga Dhexe ayaa caddeeyay in labada Banki ay soo buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee shityada, lana ansixiyey codsiyadooda, kuwaasi oo haatan Xarumo ka furan kara gudaha dalka Soomaaliya, kana howlgeli karaan.

“Guddiga Bankiga Dhexe wuxuu go’aamiyey in labada Banki ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee shityada, waxanaa la ansixiyey codsiyadooda. Labada Banki waxay hadda laamo ka furan karaan kana howlgali karaan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Bankiga.

Bankiga Dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in labadan Banki ay yihiin kuwa xooggan oo qiimo ku dari doonaa horumarka qeybaha maaliyadda dowladda Soomaaliya, kana qeyb qaadan karaan kobaca dhaqaalaha dalka.

Ziraat Katilim (Turkey) iyo Banque Misr (Masar) ayaa noqon doona labadii Banki ee ugu horreeyey ee caalami ah ee ka howlgali doonaan Soomaaliya, taasi oo astaan u ah guulaha isbeddellada qeybta maaliyadda Soomaaliya, sid uu sheegay Bankiga Dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor