Dowladda Somalia oo shaacisay Kiisas Cusub oo Cudurka COVID-19 ah

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 34 xaaladood oo COVID-19 ah, 11 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo 1 bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland 18, Hirshabeelle 2 iyo Gobalka Banaadir 14. Bukaannada cusub 21 ayaa rag ah 13-na waa haween.

1,455 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 163 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 57.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media