Dowladda Somalia oo shaacisay in Kiisaskii ugu badnaa ee Coronavirus laga helay Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow shaacisay in dad hor leh oo ku sugan Magaalada Muqdisho laga helay Cudurka Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta dalka laga helay 9 ruux oo qaba Cudurka Coronavirus, kuwaasi oo la karantiilay

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

•Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.

•6 kamid ah waa dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay

• Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar (4)

•Tirada guud ee cudurka Corona laga helay ayaa waxay noqonaysaa 21 qof wadanka oo dhan

•Sida hada inoo muuqata, waxaa xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayaa buslshada dhexdeeda

•Waxa aad u haboon in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media