Dowladda Somalia oo Q/Midoobay Warbixin ka siisay xaaladda Abaaraha ka jira dalka

Xoghayaha Koowaad ee Ergada Soomaaliya u fadhisa xarrunta Qaramada Midoobay ee Newyork Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ka qeyb galayay Dood loogga arinsanayay gargaarka arimaha Bini’aadannimo iyo Musiibooyinka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobe.

Maxamed Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo dedaalada ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu jirto taakuleynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xoghayaha Koowaad oo ka waramayay shirka uu ka qeyb galay ayaa yiri  “Waxaan warbixin ka siinnay xaaladda Soomaaliya ee hadda iyo baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas bini’aadannimo ee hadda taagan.”

Sidoo kale Maxamed Cabdiraxmaan Cumar ayaa u mahadceliyay guddiga Abaaraha ee Heer Qaran oo dedaal badan ku bixiyay sidii loo kaalmeyn lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jira abaaro darran iyo biyo la’aan baahsan oo saameeysay kummanaan qoys, iyadoona abaarta ay u geeriyoodeen dad dhowr ah, isla markaana ay ku le’deen xoolo farabadan oo ay lahaayeen qoysas reer miyi ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor