Dowladda Somalia oo Mareykanka kala hadashay taageerada Ciidamada Xoogga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ahna Senator la doortay Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta kulan la qaatay Saraakiil ka socda Safaaradda dowlada Mareykanka ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Mareykanka ayaa kulankooda diirada ku saaray xoojinta taageeradda dowladda Mareykanka ay siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Iskaashiga dhanka Milateriga.

Waxaa kaloo ka wada hadleen labada dhinac sidii loo dardar-gelin lahaa tababarada Mareykanka siiyo Ciidamada Xoogga dalka, waxaana kulanka ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladdaha ka taageera dowladda Soomaaliya tababarada dhinaca Ciidamada, wuxuuna sidoo kale weeraro iyo duqeymo ka fuliya goobaha ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor