Dowladda Somalia oo mar kale Imaaraadka kala hadashay Iskaashiga dheef-wadaagga ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cusmaan.

Wasiirka ayaa la wadaagay Danjiraha sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga xuntahay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaashi ay waxyeelladu ka soo gaartay falkaas arxan darrada ahaa.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo, horumarinta iskaashiga dheef-wadaagga ah iyo wax wada qabsiga labada dal.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa habeen hore waxaa uu kulan khadka Telefoonka ah kula yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, wuxuuna kala hadlay dardar-gelinta xiriirka labada dal.

Si kastaba Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan dib u soo celiyay xiriirkii ka dhexeeyay dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo muddo xumaa, waxaana Xukuumadda sheegtay in la sii xoojin doono xiriirka labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor