Dowladda Somalia oo ka hadashay geeridii Fanaan Cumar Shooli

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ku geeriyooday Fanaankii gayiga Soomaaliya Caanka ka ahaa ee Cumar Cabdulle Shooli, waxaana geeridiisa ka hadashay Dowladda Federaalka.

Marxuum Cumar shooli ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay Isbitaalka Difeer ee Muqdisho, iyadoo xanuunkii haayay uu ugu dambeyn halkaas xalay ugu geeriyooday.

Geerida Fanaan Cumar Shooli ayaa waxaa xaqiijiy Axmedey Cumar Shooli oo ah wiilkiisa, waxaana Marxuumka geeridiisa ka tacsiyeeyay dadweyn farabadan oo ay ku jiraan fanaaniin iyo Abwaano.

Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir (maareeye) ayaa tacsi u diray qoyskii, hobollada Qaranka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Fanaankii Qaranka Cumar Shooli.

Si kastaba Cumar Shooli ayaa ka mid ahaa fanaaniintii caanka ahaa ee xiliga beri samaadkii ka jiray Soomaaliya, isagoo muddo laba sano ah la noolaa Caruurtiisa oo degan gudaha Magaalada Muqdisho.