Dowladda Somalia oo ka hadashay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Cirka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed geeridii ki timid taliyhihii hore ee Ciidamada cirka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sigaar ah tacsi ugu diray qoyska, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Gen.Khaliif Ciise Mudan oo Maanta tallaado ku geeriyooday Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

“Marxuumku waxa uu ahaa muwaadin qiime badan oo qarankiisa ugu soo adeegay si daacad ah oo hagar la’aan ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ka waraabiyo annagana uu samir iyo iimaan naga siiyo” ayuu yiri RW Maxamed Rooble.

La-liyhihii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya marna soo noqday Wasiika amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuusanayay Isbitaal ku yaalla dalka Turkiga, wuxuuna haatan ahaa La-taliyihii amniga ee Madaxweyne Deni.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media