Dowladda Somalia oo ka hadashay dagaal dhexmaray dad shacab ah iyo Al-shabaab

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa lagu soo dhaweeyay dagaal u dhexeeyay dad shacab ah iyo Al-shabaab oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Warka ka soo baxay dowladda ayaa waxaa ay ku sheegtay in dagaalkaas uu ahaa mid Kacdoon ah oo ay sameeyeen dadka shacab ah ee kunool Gobolka Bakool,isla markaana ay uga soo horjeedaan Al-shabaab.

“Kacdoonka shacabka ee looga soo horjeedo Al-Shabaab, wuxuu horay uga socday Gobollada Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan,dowladdu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka Al-Shabaab oo duulaanka ku ah Diinta, Dadka, Hanitda iyo dowladnimada Soomaaliya.”ayaa laggu yiri waraxaafadeedkii ka soo baxay dowladda.

Dagaal u dhexeeyay dad shacab ah iyo Al-shabaab ayaa Maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,kaasi oo la sheegay inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan,in kastoo aan la shaacin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media