Dowladda Somalia oo bedeshay qaabkii loo Aasi jiray dadka u geeriyooda COVID-19

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa xaqiijisay in laba ruux oo kamid ah dadkii uu ku dhacay COVID-19 ay geeriyoodeen, 19 xaalada cusubna ay soo kordheern.

Wasiirka ayaa sheegtay in guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaani ay noqdeen 135 ruux. Dadka gudaha dalka ugu geeriyooday cudurkaan guud ahaan waa todoba ruux.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay warbixinteeda ku sheegtay inay socdaan qorshayaal iyo dadaallo wadajir ah oo lagu doonayo in sida ugu habboon looga hor tago khatarta cudurkaan, waxayna bulshada mar kale ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), oo isna ka hadlay qorshaha xakameynta COVID-19 ayaa caddeeyay in dowladdu ay bedeshay qaabkii loo aasi jiray dadka u geeriyooda COVID-19, lana diyaariyay kooxo gaar ah oo ka shaqeeya aasidda meydadka, taas oo qayb ka ah dadaalka loogu jiro horumarinta daryeelka bulshada.

Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad siineysa ka shaqeynta bed-qabka bulshada, ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta faafitaanka iyo saameynta cudurkaan dhibaatada badan ku haya caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media