Dowladda Somalia iyo UNHCR oo wada hadal ka yeeshay xaalado jira

Kulan fogaan arag ah oo dhexmaray Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta masiibooyinka XJFS Khadiija Maxamed Diiriye iyo masuuliyiinta UNHCR oo ku aadanaa arrimaha bini’aadanimo ee Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyay arrimo ay ka mid yihiin Qaxootiga, Barakacayaasha, Roobka Deyrta iyo Raadadkii ay reebeen fatahadihii dalka ka dhacay.

Madaxda UNHCR ayaa tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay hirgelinta sharciga dhowrayo barakacayaasha, waxa ay xuseen in ahmiyad gaar ay u leedahay wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Masiibooyinka.

“UNHCR waxaan isla garanay in daryeel dhab ah la siiyo dadka banaanka joogo ee xaalad walba u nugul waqtigan. Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa cid walba oo kala qeyb qaadaneyso daryeelka dadka Soomaaliyeed, Weli waxaa muuqdo raadadkii fataahaadda, Roobkii Deyrta ayaa lagu guda jiraa, iyadoo qaar badan oo dadkeena ah ay wajahayaan xaaladdo adag.”

Wasiirka Gargaarka Xil. Khadiija Maxamed Diiriye oo sii hadleysay waxa ay tiri: “Dadka la rabo inay gacan isa siiyaan waa anaga, aan duceysano iskuna tashano, mar walba waxaan aaminsanahay inaan si wanaagsan isku caawin karno, xaaladdii is-garab-istaaga ayaan ku jirnaa.”

Sidoo kale arrimaha hor-tebinta leh wasaaradda horyaallo waxaa ka mid ah sameeynta Istaraatiijiyadda Maareynta Musiibooyinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media