Dowladda Somalia iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Magaalada Muqdisho, Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Kulanka ayaa la iskula soo hadal-qaaday xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah ee saaxiibada ah uu ka dhexeeyo iyo dadaalka wadajirka ah ee lagu sare qaadayo heerka isku-duwidda.

Wasiir Abshir Cumar Jaamac iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa isku raacay in la joogteyo wadatashiga lagu xoojinayo dhammaan hababka iskaashiga ee dheef wadaagga leh ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta uu Xafiiskiisa ugu sameeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor