Dowladda Somalia iyo Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan.

Wasiirka ayaa marka hore uga tacsiyeeyay dhibbaneyaasha weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi, kaasi oo loo adeegsaday diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, isla markaana ay fuliyeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen.

Wasiir Cabdisaciid Muuse iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa kulankooda uga hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah.

Labada dhinac ayaa isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran, waxaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Si kastaba Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan dib u soo celiyay xiriirkii ka dhexeeyay dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo muddo xumaa, waxaana Xukuumadda sheegtay in la sii xoojin doono xiriirka labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor