Dowladda Sacuudiga oo Dhaqaalo ku bixineysa Soo Celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yaman

Hay’ad Gargaar oo laga leeyahay dalka Sacuudiga oo lagu Magacaabo King Salmaan Cent for Relive Umanterial ayaa Shaaca ka qaaday In ay bilaabeyso qorsho dib loogu soo celinayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yaman sida ay qortay Wakaalada Wararka ee dalka Sacuudiga.

Hayaddu waxa ay tilmaantay in la diiwaangelinayo dhamaan Soomaalida Qaxootiga ah oo tiradooda ay gaareyso ilaa Boqol Ruux oo ku sugan Gudaha dalkaasi Yaman iyo kuwo kale oo badan oo ku jira Xeryaha Qaxootiga dalkaas laguna taageeri doono in ay dalkooda ku soo laabtaan.

Hay’adda ayaa hadalkeeda intaas ku dartay in qorshahaas ay kala kaashan doonto Hay’ada Qaxootiga Aduunka ee IOM.

Saalax Al-Zubeyni oo ah Agaasimaha Hay’addan waxa uu tilmaamay in qorshahoodu uu yahay tirade dad u dhaxeysa 1,75  qof  ilaa inta u dhaxeysa  2,500 in ay ku soo celiyn Gudaha Dalka Soomaaliya.

Dalka Yaman oo ay dagaalo ka socdaan ayaa waxaa ku sugan Qaxooti farabadan oo Soomaliyeed kuwaas oo ka cararay dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya ka dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media