Dowladda Qatar oo ballan qaad ka sameeysay Gurmadka Abaaraha ka jira dalka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Qatar ee Muqdisho, Amb. Hassan bin Hamza Hashem.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa kulanooda uga wada hadlay, sida guud ahaan dowladdaha Khaliijka, gaar ahaan dowladda Qatar ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira dalka Soomaaliya.

Danjire Hassan bin Hamza, ayaa waxaa uu muujiyay sida ay dowladdiisa ugu go’an tahay, garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay Qoraal uu soo saaray xafiiska Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha.

Gaba-gabadii kulanka ayaa waxaa uu Safiirka dowladda Qatar ee Muqdisho uu Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor