Dowladda oo xaqiijisay in Maanta wax Kiis COVID-19 ah laga helin Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 29 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 470.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 34 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 19 iyo Galmudug 15, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,368.

Bukaannada cusub 24 kamid ah waa rag, 10-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay hal bukaan ayaa  u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 84 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media