Dowladda oo markale wax ka bedeshay Bandowga saaran Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska S/guuto Cabdi Xasan Xijaar ayaa ka hadlay Banaanbaxyadii rabshadaha watay ee xalay ilaa maanta ka dhacay degmooyinka ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka dhashay dil Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu xalay u geystay laba qof oo shacab ah oo ay ku jirtay Hawweneey Umul aheyd.

Taliyaha ayaa marka hore ka tacsiyeyay geerida labadaas Marxuum isaga oo shaaca ka qaday in la xiray caddaaladdana la hor keenayo Askarigii dilkaas geystay, waxaana fasiraad uu ka bixiyay waxa uu yahay Bandowga habeenkii ee Magaalada Muqdisho.

S/Guuto C/Xasan Xijaar ayaa sheegay in Bandowgaan uusan aheyn mid saaran dadka hase’ahaatee loogu talagalay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Corona ee faraha ba’an ku haya caalamka,

Isaga oo hadlakiisa sii wata ayuu cadeeyay in ay furnaanayaan Dukaamada, Farmashiyaasha qof kastana ay doonan karto adeegeeda xilligi ay u baahato.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay in wax laga bedelay Bandowgii saaraan Magaalada Muqdisho, kaas oo la iclaamiyay in uu dhaqangalo 7:00-fiidnimo, waxaana uu sheegay kadib cabasho is daba joog ah oo ka timid shacabka Muqdisho in dib loogu celiyay 8:00-fiidnimo,waxaana uu dadka ugu baaqay marka ay soo dukadaan Salaadaha in ay ku nagaadaan guryahooda si aanu sameyn ugu yeelay xanuunka Covid19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media