Dowladda oo wax ka bedeshay Bandawga Muqdisho iyo Amaro Cusub oo lasoo saaray

Laga bilaabo habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan, Bandowga xilliyadda habeenkii saarnaa magaalada Muqdisho ayaa muda hal saac ah laga soo horumariyay xilligii hore. Bandawga waxuu bilaaban doonaa 7:00 Fiidnimo, waxuuna ku ekaan doonaa 5:00 Arroornimo.

Si sare loogu qaado dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19, milkiilayaasha Makhaayadaha waxaa la farayaa inay makhaayadaha furan 5:00 Galabnimo, adeeggoodana u baddelaan Qaado oo Soco  (Take Away), ayna xiraan 7:00 Fiidnimo.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar),oo warbaahinta la wadaagay amarrada kasoo baxay dowladda ee qaybta ka ah xakameynta faafitaanka COVID-19, ayaa gaadiidka dadweynaha iyo gawaarida gaarka loo leeyahay faray inay yareeyaan dadka ay markiiba qaadaan oo ku ekeeyaan kala bar tirada dadkii markii hore ay qaadi jireen, dakana kala fogeeyaan.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay in xilliyada oo dhan la fariisto makhyaayadaha iyo goobaha kale ee la isugu yimaado. Dhammaan ammarradii hore ee ku xeernaa bandowga waa sidoodii marka laga reebo wax ka bedelka lagu sameeyay waqtiga uu billaabmayo.

Gen. Cabdi Xasan Maxamed ayaa u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee sida haboon ugu hoggaansamay dhaqan gelinta bandawga iyo dhammaan amarradii ku xeernaa iyo ciidamada amniga ee iyaguna sidii ay ahaayeen u fuliyay amarradii dowladdu siisay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media