Dowladda oo Warbixin kasoo saartay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 126 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay.

Warbixinta ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ay ku sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Gobolka Banaadir 47 qof, Somaliland 65, Hirshabeelle 8, Jubbaland 4 iyo Galmudug oo laba kiis ah.

61 ka mid ah bukaannada cusub ayaa la xaqiijiyay inay rag yihiin, halka 46-na ay yihiin haween, isla markaana waxaa Cudurka saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho ug geeriyooday 9 qof, Hirshabeelle 1 ruux iyo Koonfur Galbeed oo hal qof ah.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 8,946 waxaa bogsootay 4,108, Ruux. guud ahaan 349 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor