Dowladda oo War Cusub kasoo saartay Go’itaankii Internet-ka iyo weli cilad jirta

Khadka Internet-ka ayaa dib ugu soo laabtay Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, kadib markii si ku-meel-gaar ah loo xalliyay cilladdii jirtay, oo sababtay inuu internetku go’o dorraad 26kii Luuliyo 2020, saacaddu markay ahay 10:38 barqo, iyadoo wixii markaasi ka dambeeyay ay Wasaaraddu fartay shirkadaha adeegga internetka bixiya inay sida ugu dhaqsaha badan u xalliyaan cilladda, isla markaana Wasaaradda la soo wadaagaan hadba meesha ay wax marayaan.

Shirkadda Dalkom, oo Soomaaliya wakil uga ah xarigga internetka Eastern Africa Submarine Cable System (EASSY), ayaa warbixin ay soo gaarsiisay Wasaaradda ku sheegtay in iyaga oo kaashanaya EASSY ay u suurto gashay in ay dib u soo celiyaan addeegga Internetka si KMG ah, ka hor inta ay soo gaarayaan badweynta koox caalami ah oo ka caawisa hagaajinta cilladda ku timid khadka, taas oo ah meel xeebteena u jirta 27km. Shirkaddu waxay sheegtay in xarigga uusan go’in, balse uu soo gaaray dhaawac, oo haatan loo xalliyay si KMG ah.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa u mahadceliyay shirkadaha Dalkom, Hormuud iyo shirkadaha kale dadaalka ay u ku bixiyeen in la soo yareeyo muddada uu internetku ka maqan yahay qeybo ka mid ah dalka, inta ka horreysana ku dadaalay inay internetka bixiyaan iyagoo adeegsanaya dayax-gacmeedka si aysan caqabad ugu iman adeegyada ku tiirsan internetka.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka inay taxadar dheeri ah iyo heegan muujiyaan maalmaha soo socda inta cilladdan laga wada xallinayo si uusan hakad u galin adeegga ay bixiyaan.

Dhinaca kale, wuxuu wasiirku sheegay in arrintani ay muujineyso baahida weyn ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya u qabaan in la helo xargo kale oo internet si looga badbaado inuu gebi ahaanba go’o internetka marka ay hal xarig cillad farsamo ku timaaddo sababtoo ah waa wax dhici kara inay cillado ku yimaadaan xargaha badda hoosteeda mara, balse dalalka kale aan la tabin maadaama ay haystaan kuwo kale.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in dalkeenu uusan ka kabsan karin khadka internetka oo go’a maadaama ay ku tiirsan yihiin adeegyada bankiyada, xawaaladaha, isku-xirka taleefoonnada dibedda, tikidhada, waxbarashada, warbaahinta, adeegyada dawladda sida baasaboorrada, iwm. Sidaasi darteed in loo baahan yahay in xil dheeri ah la iska saaro maadaama qeybaha nolosha oo dhan ay haatan ku tiirsan yihiin internetka.

“Shirkadaha kale ee xargaha soo wada waxaan fareynaa inay dadajiyaan hawshooda, waayo dhowr mar ayaanu aragnay inay khatar weyn tahay in lagu tiirsanaado hal xarig oo kaliya, dhinaca kalena waa u fursad ganacsi oo muujineysa in adeeggooda baahi loo qabo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media