Dowladda oo wada qorshe lagu kordhinayo Goobaha lagu baaro COVID-19

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddoomiyey Shirka joogtada ee Guddiga Qaran ee la tacaalidda Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay dalka.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Cudurka COVID-19 ee dalka, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaraha Guddiga qaran ka dhageystay warbixintii ugu dambeysay ee Cudurka.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka .

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ka hor tagga cudurka Coronavirus, isla markaana ay fuliyaan tallaaba kasta oo ay u arkaan in looga hortegi karo.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 1,689 waxaa bogsootay 235 Ruux. 66 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media