Dowladda oo soo Bandhigtay Sarkaal la sheegay inuu kasoo goostay Al-shabaab

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen inuu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoona soo bandhigay.

Magaca Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa waxaa lagu sheegay Aadan Shiniyow Ibraahim, isla markaana waxaa la xusay inuu kamid ahaa Saraakiisha Al-shabaab u qaabilsan Jabhada, isagoona hoggaamin jiray Ciidamo gaaraya 30 Askari.

Taliska Ciidamada Xoogga ee 60-aad ayaa tilmaamay in Aadan Shiniyow uu 10 sanno kasoo howlgalayey Gobolada Hiiraan, Gedo, Baay iyo Bakool, uuna kasoo qeyb qaatay Dagaalo Dhowr ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo iyo Hiiraan.

Aadan Shiniyow oo wareysi lala yeeshay ayaa sheegay inuu la kulmi jiray Saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, wuxuuna Carabaabay Magacyadooda Saraakiishaas oo ku kala sheegay Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere, Fu’aad iyo saraakiil kale.

Si kastaba Al-shabaab ayaan weli ka hadlin Sarkaalka, Ciidanka Xoogga dalka qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ay sheegeen inuu kasoo goostay Al-shabaab, isla markaana uu isku soo dhiibay.