Dowladda oo soo Bandhigtay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay

Sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sarkaalka isa soo dhiibay oo lagu magacaabo Maxamed Kuulow Cali, kana mid ahaa Saraakiisha Al-shabaab ayaa ka howlgeli jiray Gobolka Bakool, isla markaana Go’aan ku gaaray inuu isaga baxo Shabaabka, kuna biiray Ciidanka dowladda Federaalka.

Maxamed Kuulow Cali oo wareysi lala yeeshay ayaa sababta keentay soo goosashadiisa ku sheegay inay tacadiyo uu xusay in Al-shabaab ay u geysato shacabka Soomaaliyeed, sidaasina uu ku Go’aasaday inuu isaga baxo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa tilmaamay in Maxamed Kuulow uu ka howlgeli jiray degaano ka tirsan Gobolka Bakool, isla markaana xiligii uu isa soo dhiibayay uu watay Qori AK-47 iyo booshkiisa.

Taliska Ciidanka Xoogga ee qeybta 60-aad ayaa dhowr jeer soo  Bandhigay Saraakiil iyo xubno ay sheegeen inay kasoo goosteen Al-shabaab, halka dhanka Shabaabkana ay iyaguna xiliyada qaar soo bandhigaan Askar ay ku sheegaan inay goostaan Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulada.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor