Dowladda oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay Dagaal ka dhacay Muryaale

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka oo jimco ah ka dhacay Tuulada Muryaale oo u dhexeeysa Basra iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Cabdikaamil Shukri Macallin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in dagaalka uu geystay khasaaro, isla markaana Al-shabaab laga dilay 19 xubnood, waa sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka.

Saraakiisha dowladda ayaa tilmaamay in dagaalkii ka dhacay Tuulada Muryaale oo u dhexeeysa Basra iyo Balcad uu ka danbeeyay, kadib markii Ciidanka dowladda oo waday howlgal roondo ah ay heleen xog, kadiba uu bilowday dagaalka labada dhinac.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inuu jiro khasaaro soo gaaray dhanka Ciidanka dowladda, isla markaana uu dhaawacmay Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda Saraalka lagu magacaabo Xasan Fanax iyo Askar kale.

Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliska Haramcad iyo Nabadsugida ayaa toddobaayadii ugu dambeeyay howgallo amni ka sameynayay deegaano dhowr ah oo hoostega degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Shabeellaha Hoose iyo Sh/Dhexe.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey aheyd markii qarax ka dhacay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole. Ciidanka dowladda ayaa dhowr jeer sheegay inay la wareegeen deegaankaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor