Dowladda oo shaacisay xilliga ay dib u furmayaan duulimaadyada dalka

Kadib in mudda ah oo ay hakad ku jireen duulimaadyada dalka sababo la xiriira xanuunka Corona virus ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay shaacisay xilliga ay dib u bilaabanayaan duulimaadyada dalka.

War kasoo baxay dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in horaanta todobaadka soo socda si rasmi ah ay u furmi doonaan howlihii duulimaad ee Dalka kaas oo saameyn dhaqaale geystay maadaama dunida oo dhan ay duulimaadyada hakisay.

Howlaha la xiriira duulimaayada ayaa muddo ka badab bil hakad ku jiray gaar ahaana duulimaadyada caalamiga iyo kuwa gudaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media