Dowladda oo shaacisay sababta ay u diidan tahay in Banaanbaxyo la qabto

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay sababta ay dowladda Federaalka u diidan dan tahay in Banaanbaxyo la qabto iyo in Bulsho meel la isugu keeno xiligaan adeg.

Wasiir Xudubney oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in sababta loo diidayo in banaanbax iyo isu imaan Bulsho la qabto ay tahay in Arrimo la xiriira dhinaca amniga oo laga cabsanayo in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku dhex qarxiyo shacabka.

Musharaxiinta Madaxweynaha iyo siyaasiyiinta ayuu Wasiirka amniga ugu baaqay in dadka aysan isku keenin, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay kala hadlaan warbaahinta, si aysan u dhicin dhibaato lamid ah qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa caddeeyay in aan la diidaneyn in shacabka isu yimaan, hayeeshee lagu jiro ayna muhiim ah in xiligaan laga fikiro amniga dalka, wuxuuna ku baaqay in laamaha amniga lala shaqeeyo.

“Waxaan usoo jeedinayaa Siyaasiyiinta iyo Madaxda Soomaaliyeed iyadoo amniga laga fakarayo aan bulsho badan la isugu keenin oo Warbaahinta lagala hadlo si uusan u dhicin qasaare la mid ah qaraxii Magaalada Gaalkacyo” ayuu yiri Wasiir Xundubey.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Xasan Xundubey Jimcaale ayaa maamulada Puntland iyo Galmudug ka dalbaday inay iska kaashadan sugida amniga Gobolka Mudug, isagoona ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii khasaaraha badan geystay ee maalin kahor ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media