Dowladda oo shaacisay in Dad hor leh ay ka bogsadeen COVID-19

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 22 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 1 bukaan ayaa u geeriyooday xaruunka 18 ruux oo kalena ay ka bogsoodeen.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 5 Somaliland 14 Ruux, Jubbaland 2, Koonfur Galbeed 1  ruux iyo Hirshabeelle oo 1 ruux ah.

11 kamid ah bukaannada cusub waa rag 11-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,711 guud ahaan, 67 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 253 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media