Dowladda oo shaacisay in Dad Cusub laga helay Coronavirus

Sida ay maanta xaqiijiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay geeriyooday 3 ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19, waxaana soo kordhay 44 xaaladood oo cusub.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in dadka laga helay Cudurka 9 kamid ay yihiin Rag, halka 35 ay yihiin Dumar, waxaana bogsatay 4 Ruux, iyadoona kiisaskaa laga diiwaan-geliyay Gobolka Banaadir.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa caddeysay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480 oo ruux, tirada bukaannada u geeriyooday cudurkana ay gaareen 26 oo qofood.

Dhanka kale, Wasiirka caafimaadka oo sheegtay in dowladdu ay ku howlantahay inay dalka kusoo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale, ayaa sidoo kale xaqiijisay in lala soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo xalay dalka dib loogu soo celiyay.

Dowladda ayaa qaaday tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya, waxay mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay wadajir u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media