Dowladda oo shaacisay in Canshuur dhaaf loo sameeyay Raashinka

Dawladda Soomaaliya ayaa canshuur dhaaf u sameysay cunnada quutul daruuriga, si looga hor tago koror ku yimaada qiimaha maciishada, oo aysan saameyn ku yeelan tallaabooyinka looga hortagayo faafidda Covid19.

Raashika canshuur dhaafka loo sameeyay waxaa kamid ah Bariiska iyo timirta oo loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, iyo Burka iyo saliidda oo loo sameeyay canshuur dhaaf gaaraya 50%.

Canshuur dhaafka ayaa billaabanaya 15ka Abriil, 2020, si aysan saameyn ugu yeelan maciishadda xilliga bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale wasaaradda maaliyadda ayaa shaacisay in ay dhiirri gelineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beereysiga si uu qayb uga noqdo dadaallada lagu baadi goobayo isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaaale Beyle ayaa sheegay in isu socod la’aanta xayirtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dalka dhibaato xoog leh ay u gaysanayso dhaqaalaha wadanka maadaamada uu hoos u dhacay dhaqaalihii ka soo xeroon jiray furdooyinka iyo canshuuraha berriga.

Wasiirka ayaa bogaadiyay dadaallada madaxda sare ee lagu raadinayo dhaqaale looga soo kabsado hoos u dhaca xoogga leh ee ku soo fool leh dhaqaalaha waddanka ee uu sababi karo xanuunka Covid19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media