Dowladda oo shaacisay Dad hor leh oo ka bogsaday Cudurka COVID-19

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo tallaado ah shaacisay inuu geeriyooday hal qof oo kamid ahaa bukaannadii horey looga helay cudurka halista ah ee COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay  48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 19 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.

19 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, Somaliland 17 Ruux, Galmudug 2 Ruux, Puntland 8 Ruux iyo Hirshabeelle 2, waxaana 34 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 14 xaaladood oo kale.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 2,416 Ruux, waxaa ka bogsooday 489 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 85.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media