Dowladda oo saxiixday heshiis Tallaal kale lagu keenayo dalka Somalia

Danjire Cawaale Cali Kulane Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya dalka Shiinaha ayaa heshiis ku aadan hilida talaalka ka hortaga Cudurka aduunka Aafeeyey ee COVID-19  la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Tallaalkan looga hortagayo Cudurka Coronavirus ayaa waxa uu gaaraya 200 kun oo tallaal oo dhawaan la qorsheeyay ee la keeno Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Federaalka ee dalka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in tallaalkan ay dowladda aan saaxiibada nahay ee Shiinaha dalka ugu deeqdo, isla markaana halkaas laga soo qaadoi doono.

La-taliyaha koowaad safaarada Soomaaliya ee Shiinaha Saciid Jaamac Mire ayaa isnaa  uga mahadnaqay dowladda shiinaha sida hagar la’aanta ah ay u garab taagan yihiin dowladda Federaalk, isagoo si gaarana uga mahadnaqay talaalka ay Soomaaliya ugu deeqday.

Arrinkan ayaa imaanaya kadib markii dowlaha caalamka ay bilaabeen in ay dadkooda ka talaalaan cudurka COVID-19 oo aduunka dhan dhibaato ku haaya, waxaana xusid mudan in horey Caasimadda dalka loo keenay Tallaalka COVID-19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor