Dowladda oo Puntland iyo Jubbaland ugu baaqday ka qeyb galka Shir ay diidan yihiin

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa Baaq u dirtay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa waxaa uu ku sheegay in dowladda ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ugu baaqday inay kasoo qeyb galayaan Shirka Wadatashiga ee looga hadlayo khilaafka doorashada dalka ka dhaceysa.

Dowladda ayaa sheegtay in Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland looga baahan yahay kasoo qeyb galka Shirka, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinka inay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran” ayuu yiri Afhayeen Macalimuu.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa diiday ka qeyb galka Shirka Doorashooyinka dhacaya Teendhada Afisyooni, iyagoona shuruudo ku xiray ka qeyb galka Shirka, waxaana lagu guuleysan waayay in lagu qanciyo ka qeyb galka Shirka Madaxda.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa maalmo kahor is faham ka gaaray shuruudaha Axmed Madoobe iyo Deni ku xireenka Shirka, hayeeshee dhinacyada ayaa isku mari waayay qodobka Ajendaha Shirka ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor